Xeerka Booliiska oo dhamaystiran halkan ku dhufo
Xeerka Booliiska Jamhuuriyadda Somaliland, Xeer Lr. 63/2013, waxa Golaha Wakiiladu ansixiyay 3 dii December 2017. Madaxwaynaha Somaliland wuxuu saxeexay 26/12/2017. Xeerka waxa lagu soo saaray Faafinta Rasmiga ah. Sidaas ayuu ku yahay xeer ka mid ah xeerarka dalka. Hadaba maadama oo uu xeerku aad muhiim ugu yahay ilaalinta xuquuqda dadka, waxaannu halkan ku soo gudbinaynaa qodobo ka mid ah xeerka. Qodobada halkan ku qorani waa kuwa ugu muhiimsan ee ilaalinaya dadwaynaha. Waxaa looga gol nahay in dadwaynuhu barto Xeerka oo wacyiga guud ee ku saabsan arimaha uu Xeerku ka hadlayo ay kor u kacdo. Ma aha qodobada halkani ku qoran dhamaan xeerkii oo dhan ee waa qodobo ka mid ah. Maadama oo xeerku wayn yahay oo aan qof waliba fursad u heli karin inuu wada akhriyo, qoraalkani wuxuu gacan ka gaysanayaa in si sahlan loo heli karo qodobada sida gaarka ah u khuseeye dadwaynaha.
Xeerka oo dhamaystiran halkan ka eeg
Xeerka Booliiska oo dhamaystiran halkan ku dhufo
Waa maxaay ujeedada Xeerku?
Sida ku cad qodobka 3aad ujeedada Xeerku waa:
Waa maxaay masuuliyadda guud ee Booliisku?
Qodobka 6aad ee Xeerku wuxuu sheegaya in Booliiska Somaliland ay masuul ka yihiin:
Masuuliyadda sharci ee booliiska saaran hadii uu waxyeelo gaysto
“16(7). Ciidanka Booliisku xabad nool uma adeegsan karaan dad aan hubeysnayn haday dhacdona waxaa ka masuula cidda amarkaa bixisay.
16(8). Markasta oo ciidanka booliisku Hawl-gal fulinaayo sarkaalka Ciidanka wata oo keliya ayaa u xaq leh inuu la hadlo cidda hawsha lagu fulinayo.
16(9). Si xeerkan iyo xeerarka kale ee Dalka waafaqsan hadii hawlgalada ay Ciiddanka Boolisku fullinayaan ay ku keento dadwaynaha dhibaato keentay dhimasho, dhaawac, iyo burbur maaliyadeed marka la hubiyo baaxada dhibaatadu inta ay leegtahay waxaa waajib ah in loo gudbiyo Xumuuda JSL, si loo siiyo magdhow ciddii ay dhibaatadu ku dhacday.:
Maxaa Booliiska ka mamnuuc ah?
Qodobka 30aad ee Xeerku wuxuu sheegayaa inay Booliiska ka reeban tahay:
Faldembiyeedyada daran ee si cad xeerku u mamnuucay maxaay yihiin?
Qodobka 33aad ee Xeerku wuxuu sheegaa “waxaa ka reeban xubnaha ciidanka booliska:
Xagee loo marayaa cabashooyinka ka dhanka ah Booliiska?
Qodobka 34aad ee Xeerku wuxuu sheegayaa:
“Cabashooyinka ka dhanka ah Ciidanka Booliiska marka hore loo gudbinayo xafiisyada dabagalka iyo cabashooyinka Booliiska Somaliland (Internal Control/complaint Unit). Hadii xafiiskaasi waxba ka qaban waayo ama qofka cabanayaa ku qanci waayo waxa loo gudbinayo gudi cusub oo Xeerku aasaasayo oo la yidhaahdo guddiga madaxa banaan ee cabashooyinka ka dhanka ah ciidanka Booliiska (independent police complain commission). Gudidu waxaay ka kooban tahay:
Waa maxay awoodda Guddida Cabashooyinka Ka-dhanka ah Xubnaha Ciidanka Booliska?
Qodobka 36aad ee Xeerku wuxuu sheegayaa in awoodaha Gudida tahay:
Masuuliyadda Denbiga iyo Ciqaabtiisa
Qodobka 44aad ee Xeerku wuxuu sheegayaa in “denbiyada ay sida badheedhka uga galaan dadweynaha waxaa loo gudbinayaa maxkamadaha caadiga ah (Civilian courts), waxaana loo raacayaa Xeerka ciqaabta guud.”